Dagaal muddo la qorsheynayay oo dhacay Duleedka magaalada Baladweyne….

Dagaal muddo la qorsheynayay oo dhacay Duleedka magaalada Baladweyne….

daajis.com:- Dagaal xoogan oo qorshihiisa uu socday muddo bilooyin ah ayaa maanta ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ah mid ku bilowday howlgal saraakiil horkacayaan ayaa ka dhacay duleedka magaalada Beledweyne, wuxuuna dhexmaray ciidamada dowlada Soomaaliya oo AMISOM garab ka helaya iyo ciidamada ururka Alshabaab.

Hubka noocyadiisa kala duwan ayaa la isku adeegsaday dagaalka, waxaana la sheegayaa inuu yahay howlgal saf mareen ah oo ay ka qeyb qaadanayaan saraakiisha ciidamada xooga dalka Soomaaliya iyo kuwa Jabuuti ee ku sugan magaalada Beledweyne.

Deegaanka Luuq Jeelow oo ku yaala duleedka magaalada Beledweyne ayuu ka dhacay dagaalka ugu xoogan ee u dhaxeeya ciidamada dowlada Soomaaliya iyo kuwa Alshabaab.
Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliya oo aan la hadalnay ayaa sheegay in dagaalkaasi uuu yahay mid aanan joogsan doonin ilaa Al-shabaab ay ka saraan deegaanada ku yaala duleedka magaalada Beledweyne.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada