Dowladda Rwanda oo Sheegtay inay Dishay Rag Gacansaar Lalahaa Ururka Al Shabaab

Dowladda Rwanda oo Sheegtay inay Dishay Rag Gacansaar Lalahaa Ururka Al Shabaab

daajis.com:- Ciidanka amniga dowladda Rwanda ayaa sheegay in ay toogasho ku dileen saddex nin oo la sheegay inay gacansaar la lahaayeen ururka Al-shabaab.

Afhayeen u hadlay ciidanka Booliska Rwanda ayaa sheegay in Saddexdan nin ee ka tirsanaa Al Shabaab ay doonayeen inay weerar ku qaadaan goobo ku yaala Dalkaasi oo ay ka mid tahay Magaalada Caasimadda ah ee Kigali.


Afhayeenka ayaa intaa ku daray in ciidanka Booliska ay heleen xogta ah in Ragani ka tirsanaa Shabaab ay qorsheyeen weeraro lagu qaado Magaalada Kigali, balse ay ka hortageen.
Waxaa uu Sidoo kale Afhayeenku sheegay in ay jiraan rag kale oo gacanta lagu hayo islamarkaana looga shakisan yahay in ay Xariir la leeyihiin Al Shabaab, balse ay ragani weli baaris ku socoto.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada