Kenya oo codsatay in dib loo calaamadeeyo xuduud Badeedka ay la wadaagto Somalia

Kenya oo codsatay in dib loo calaamadeeyo xuduud Badeedka ay la wadaagto Somalia

daajis.com:- Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muihai ayaa ka codsaday Guddiga QM ugu qaabilsan diiwaangelinta Xadeynta Xuduudaha ee UNCLCS inay dib u calaamadeeyaan Khariidada Xuduud-baddeedka Kenya, oo la rumeysan yhaay inay ka buuxaan kaydad ballaaran ee Shidaalka, Macaadinta iyo Gaask Dabiiciga.shidaal iyo Neefta Dabiiciga

Wargeyska Maalinlaha ee Business Daily ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa qoray inuu Xeer-ilaaliyaha Guud arrinkaasi ka sheegay Kulan uu maalintii Isniinta ee la soo dhaafay Guddiga QM kula yeeshay Xarunta QM ee magaalladda New York ee dalka Maraykanka.

Xeer-ilaaliyaha waxa uu Guddiga UNCLCS u sheegay inay go’aan ka gaaraan muranka Xuduud-baddeedka kala dhexeeyo Somalia, si ay Kenya ula soo baxdo Kheyraadka Dabiiciga ee ku kaydsan Xuduud-baddeedka oo ku yaalla Badweynta HindiyA.

“Waxaan doonaynaa in Guddiga UNCLCS inay xaqiijiyaan Khariidada u dhexeysa Biyaha Kenya iyo Biyaha Caalamiga, si loo bilaabo Baaritaanka Shidaalka iyo Kheyraadka kale” ayuu yiri Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya.

Heshiiska QM ee Sharciga Baddaha “UN Convention on the Law of the Sea (UNCLOS), waxa uu xaliyaa Muranadda Baddaha ee Dowladaha Calaamka, iyadoo Sharciga Caalamiga xadaynayo dhererka xuduud-baddeedka ay wadaagaan.

MURANKA-640x407

Hadalka Xeer-ilaaliyaha Guud ee Kenya, Githu Muihai ayaa ku soo beegmay iyadoo la filayo inay Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda (ICJ) bisha soo socoto dhegeysan doonto Muranka Xuduud-baddeedka ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya.

Dowladda Federalka Somalia waxay bishii August ee sannadfkii 2014-kii u gudbiyeen Maxkamadda Caalamiga ee ICJ dacwad ka dhan Xuduud ballaarsiga Kenya ka wado Badda Somalia.

Dowladda Kenya ayaa doonaysa inay xuduudka badda toos uga soo bilowdo Laynka Bari, taasi oo ay ku helayaan xuduud-baddeed dheeraad ah oo ka mid ah xuduud-baddeedka Somalia.

Xuduud-baddeedka ay Kenya doonayso inay lawareegto waxa uu dhererkiisa dhan yahay 10,000 oo KM oo isku-wareeg ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada