Maalqabeenka Warren Buffett oo Taageeray Hillary Clinton, Xujana ku Xiray Donald Trump

Maalqabeenka Warren Buffett oo Taageeray Hillary Clinton, Xujana ku Xiray Donald Trump

daajis.com:- Mid kamid ah maalqabeenada ugu caansan ee dalka Mareykanka uguna hantida badan ayaa xujeestay musharaxa Xisbiga Jamhuuriga u matalaya doorashada dalka Mareykanka Donald Trump, inuu shaaciyo canshuur celinta uu sameeyay.

Ganacsadaha Taajirka ee Warren Buffett, ayaa sheegay in aysan jirin sharci diideysa in lasoo bandhigo canshuur celinta la sameeyay, waxa uuna dalbaday in dadka loo ogoladao in arintaasi ay su’aalo ka keenaan.


Musharaxa Donald Trump, oo isna ah ganacsade hanti badan heysta ayaa horey u sheegay in uusan awoodin inuu shaaciyo canshuur celinta uu sameeyay ilaa maamulka dhaqaalaha ay ka dhameystirayaan hubinta.
Ganacsadahan Warren Buffett, oo hadalka jeediyay kulan ay soo abaabuleen taageerayasaha Hillary Clinton, ayuu sheegay in isaga naftiisa lagu wado hubinta canshuur celintiisa, waxa uuna tilmaamay in uu diyaar u yahay in uu la kulmo Trump si ay u shaaciyaan canshuur celintooda.

Donald Trump, oo ah nin aan ka xishoon dacaayada laga fidiyo si deg deg ahna uga jawaaba, ayaan wali ka hadlin xujada uu ku xiray ganacsadahan caanka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada