Nin 40 mindi cunay oo calooshiisa laga soo bixiyay: SAWIRRO

Nin 40 mindi cunay oo calooshiisa laga soo bixiyay: SAWIRRO

daajis.com:- Nin India u dhashay oo qaliin caloosha looga sameeyay ayaa nool, kaasoo laga soo bixiyay calooshiisa 40 mindi oo uu cunay.

Jariiradada Daily Mail ayaa soo daabacday Jarnail Singh, oo 42 sank jig ah, kasoo qaliin loogu someday isbitaalka Corporate ee ku yaal magaalada Gurdaspur, ee dalka India.

Jarnail Singh ayaa sheegay inuu aad u jeclaa dhadhanka biraha, sidaasina uu ku tijaabin jiray mar walba inuu cuno mindiyaha calooshiisa laga soo bixiyay.

Dr Jitinder Malhotra oo ka mid ah kooxda dhaqaatiirta qaliinka sameeyay ayaa sheegay inuu la yaabay markii uu ogaaday in caloosha ninkaan ay ku jiraan 40 mindiyo ah sida lagu ogaaday qalabka lagu ogaado uur jiifta (Ultrasound). wuxuuna dhaqtarku intaa raaciyay in mudo 20 sano ah qaliin noocaan ah uusan sameyn mid ka adagna uusan arkin.
Ninkaan ayaa mudo labo bilood ah gudahood ah ku liqay 40  mindi, waxaana hadda xaaladiisa caafimaad tahay mid aad u wanaagsan, maalmaha soo socdana laga soo saari doono isbitaalka. 
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada