XOG: Sababta ka danbeysa in dowladda Kenya ay aqoonsi u raadiso Somalialand

XOG: Sababta ka danbeysa in dowladda Kenya ay aqoonsi u raadiso Somalialand

daajis.com:- Xubno ka tirsan dowladda Kenya ayaa wada olole ictiraaf raadin ah oo ay beesha caalamka uga dhaadhicinayaan in ay Soomaaliland mudan tahay in la aqoonsado.

Maxay tahay sababta ay Kenya u damacsan tahay in Soomaaliland la aqoonsado?

Waxaa sanadadii ugu dambeeyey suuq beelay beeraha Jaadka(Mirraa) ee dalka Kenya, kuwaasi oo lacago aad u badan ka samayn jiray iibka Qaadka, balse labadii sanno ee ugu dambaysay waxaa hoos u dhacay iibka Jaadka, kaasi oo shaqo la’aan baahsan ku riday dad aad u faro badan oo noloshoodu ku tiirsanayd Jaadka.

Si suuq loogu helo iibka Qaadka ayaa ninka lagu magacaabo Peter Munya oo ah guddoomiyaha gobolka Meru, halkaasi oo uu ka baxo Jaadka ugu badan dalka Kenya, u safray maamulka Soomaaliland.

Munya ayaa baaris ku sameeyey Jaadka laga isticmaalo gobolada waqooyi ee Soomaaliya iyo canshuuraha laga qaado Jaadka laga keeno dalka dibadiisa.

Wuxuu Munya ogaaday ina Jaadka dalka Kenya aad looga jecelyahay Soomaaliland, balse si xad-dhaaf ah loo canshuuro halka Qaadka ka yimaada Itoobiya canshuur yar la canshuuro.

“ Jaadka ka yimaada Kenya waxaa lagu canshuuro 300%, halka kan Itoobiya la canshuuro 100%, cadaaladna ma ahan,” ayuu yiri Munya.

Dhanka kale, Peter Munya wuxuu soo ogaaday in suuq dhan 40 bilyan oo lacag Kenya ah uu yaal maamulka Soomaaliland, loona baahan yahay in laga faaideysto.

Hadaba, si loo helo dal-dalool looga duuli karo iib geynta Jaadka Kenya, Munya wuxuu gartay in Soomaaliland aqoonsi doon tahay, halkaasi ayuna ka bilaabay inuu goobaha shirarka iyo kalfadhiyada baarlamaanka Kenya ka sheego ictiraafka Soomaaliland iyo danta ugu jirta Kenya.
Isagoo sii anbo qaadaya ololihii Munya ayuu guddoomiyaha xisbiga CORD Raila Odinga guriga talo warfaynta ingiriiska ee chatam house ka sheegay in Soomaaliland ictiraaf u qalanto oo ay buuxisay shuruudihii dowladnimo.

Ictiraafka Soomaaliland ma waxuu ku xiran yahay inay Kenya Jaadka ka iibsadaan?

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada