Xuutiyiinta Yemen oo ku Laaysay Ciidama Sacuudiyaan ah Xadka U Dhaxeeya labada Dal.

Xuutiyiinta Yemen oo ku Laaysay Ciidama Sacuudiyaan ah Xadka U Dhaxeeya labada Dal.

daajis.com:-   Dagaal xooggan ayaa laga soo sheegayaa inuu ku dhex maray meel ku dhow xuduuda Sacuudiga iyo Yemen ciidamada Sacuudiga iyo Mucaaradka Xuutiyiinta.

Tobanaan ka tirsan mucaaradka Xuutiyiinta ayaa lagu dilay duqeyn dhinaca hawada ah oo ay geysteen diyaaradaha Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga.

Isbaheysiga uu hogaamiyo Sacuudiga ayaa sheegay inay ka hor-tageen duulaan Kooxda Xuutiyiinta ku soo qaadaan meel ku dhow magaalada Najran ee ku dhow xuduuda Yemen.

Hase ahaatee dagaalka ka dhacay aaggaas ayaa waxaa lagu dilay illaa 7 askar oo saraakiil ku jiraan, waxaana la sheegay in dagaalkaas uu ahaa kii ugu xumaa ee halkaas ka dhaca.

Dhinaca kale dowladda Yemen ayaa sheegtay inay ka baxeyso wada hadalada ay garwadeenka ka tahay Qaramada Midoobey.

Yemen ayaa waxaa ka jiray tan iyo sanadkii la soo dhaafay dagaalo xooggan oo u dhaxeeyay dowladda iyo mucaaradka Xuutiyiinta oo gacanta ku haya Caasimada Sanca.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada