Akhri Socodaal Xasaasida Wayn ka dhaliyey Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyihii Qaranka oo Tagay Dalka..

Akhri Socodaal Xasaasida Wayn ka dhaliyey Soomaaliya iyo Xeer Ilaaliyihii Qaranka oo Tagay Dalka..

daajis.com:- Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa saaka u dhoofaya dalka Norway oo inta badan la aaminsan yahay inay kaalin ku leedahay boobka dowladda kenya ku hayso badda soomaaliya.

Sida ay sheegayan wafdiga Soomaalida ee ku sugana maalmahan dalka Holland ayaa saaka inta badan ku laabanaya dalka markii shalay la soo gabagabeeyay dacwadii ka socotay Maxkamadda cadaalada adduunka ee Magaalada Hague ee dalka Netherlands ee u dhaxeysay kenya iyo soomaaliya.

Laakiin markii maalmahan is bedelen hadaladii adkaa ee maalmo ka hor jeedinayay Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud isagoo sheegi jiray in heshiiska is fahamka kenya iyo soomaaliya wax is daba marin ku jiray ayaa labadii maalmood ee aynu soo dhaafnay laga dareemayay hadalo aad u jilacsan iyo inuu meesha ka saarayay mas’uuliyiintii soomaalida ee heshiiskaas saxiixan inay wax qalad ah sameeyan.

Dad badan waxay is weydiinayan waxaa is bedelay iyo waxaa bedelay hadaladii lagu yaqiinay Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud.

Hadaba saaka Newsomali.com waxay ogaatay in Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud uu casuumad ka helay shirkadda Norway u qaabilsan arrimaha baarista shidaalka iyo xubno ka tirsan dowladda Norway.

Ragga casuumay Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud waxay u badan yihiin kuwa ku taageersan kenya inay leedahay badda ay iyada cabiratay 1995 tii.

Marka waxaa soo baxaya shakiga ah in ay jiraan xiriir hoose oo is faham ah oo Dr. Axmed Cali Dahir, Xeer Ilaaliyaha Guud iyo Norway dhex maray si arrinta badda loo qaboojiyo.

Norway waxay inta badan laaluush iyo qarash ku bixinaysaa sidii kenya baddaas u qaadan lahayd, wejina Norway waxay ku taageeraysa oo mushaar siinaysa shaqaalaha rayidka ee dowladda soomaaliya, wejiga kalena waa iyadoo kenya ky taageeraysa inay qaadato badeena soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com

Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget

share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada