MUUQAAL: Dawlada Maraykanka oo ka hadashay Duqayn Duleedka Gaalkacyo iyo Kismaayo ay ka Gaysteen

MUUQAAL: Dawlada Maraykanka oo ka hadashay Duqayn Duleedka Gaalkacyo iyo Kismaayo ay ka Gaysteen

daajis.com:-  Afhayeen u hadlay waaxda gaashaandhigga Mareykanka, captain Jeff Davis, ayaa waxuu ka hadlay duqeymo ay ciidamada Mareykanku ka gaysteen qeybo ka mid ah Gobolada Mudug iyo Jubbada Hoose, Wuxuuna sheegay inay ku beegsadeen xubno ka tirsan ururka al-Shabaab.


Mar uu ka hadlayey ­ duqeyntii dhinaca cirka ahaa ee ka dhacday Deegaanka Jeexdin oo dhacda Duleedka Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, Wuxuu sheegay in duqeyntaasi ay aheyd mid laga gaaray dantii laga lahaa, Wuxuuna Xusay inay Ciidanka Duqaynta Gaystay Hogaaminayey Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland.

Maamulka Galmudug ayaa sheegay in Duqaynta ka dhacday Duleedka Gaalkacyo lala eegtay Ciidankooda, Iyadoo Warbixin Khaldan la siiyey Maraykanka, Waxayna Galmudug sheegtay inay Halkaasi uga dhinteen 22 Kamid ah Ciidankooda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 16:45 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada