Video: Askari Kenyan ah oo Nolosha ay ku Qabteen Al-Shabaab, oo Muuqaal Ay Kasoo Duubeen iyo Waxa uu ka hadlay

Video: Askari Kenyan ah oo Nolosha ay ku Qabteen Al-Shabaab, oo Muuqaal Ay Kasoo Duubeen iyo Waxa uu ka hadlay

daajis.com:- Kooxda Al-shabaab ayaa soo Bandhigay  Askari Ka tirsan Ciidanka Kenya, Kaasi oo Nolosha ay ku qabteen,  Wuxuuna sheegay in magaciisa la yidhaahdo Loanard Maingi Kiiyo, oo  ciidanka Kenya uu kusoo biiray sanadku markuu ahaa 1997.


Askariga ayaa wuxuu sidoo kale sheegay inuu yahay  dhaqtar ka shaqeeye qeybta kal-kaaliye-nimada ee guutada 9aad ee dagan xerada Mooya, waxaana ahay mas’uulka heysta qeybta caafimaadka ee guutadan,  Wuxuuna yimid Somalia  1-dii bishi January ee sanadkii 2016-ka , waxaana loo qaaday magaalada Ceel-cade. iyadoona Ciidan ka tirsan Alshabaab ay soo weerareen 15-kii bishii January ee 2016-ka.

“Ka dib markii uu weerarka dhacayna, hubkeenii oo dhan wuxuu u gacan galay Al-Shabaab. in ka badan 100 ka mid ah askartii saaxiibadeyda ahayd waa la dilay, qaar kale oo aan aniga ku jirana nolosha ayaa lagu qabtay,  Fariinteyda ugu horeysa waxaan u dirayaa qoyskeyga iyo qaraabadeyda guud ahaan. Waxaan doonayaa in aan u sheego in aan jeclahay oo aan u duceeyo, iyagana aan ka rajeynayo in ay ii soo duceeyaan. Maxbuus ahaan rajada kaliya ee aan leeyahay waa iyaga.” Ayuu yidhi.

“Waxaan ka codsanayaa in ay aadaan Odayaasha dhaqanka, Kaaba-qabiilada, gudiyada, xildhibaanada,Senatarada, iyo gudoomiyeyaasha gobolada oo ay ka dalbadaan in ay kala shaqeeyaan sii deynteyda iyo sidii aan xuriyadeyda ku heli lahaa. Xaqiiqdii waxaan ku jiraa xaalad xun oo rajo beel ah, waxaana doonayaa in aan dib ugu soo noqdo Kenya “ Ayuu ku yidhi Fariintiisa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada