Waa kuma musharaxa kaliya ee ololihiisa doorasho ka wada Waqooyiga Muqdisho iyo guri?

Waa kuma musharaxa kaliya ee ololihiisa doorasho ka wada Waqooyiga Muqdisho iyo guri?

daajis.com:- Xasiifka ololaha murashaxa madaxweynaha Soomaaliya, Ambassador Maxamed Cali “Ameeriko” oo ka mid ah musharaxiinta muuqda ayaa noqday siyaasiga kaliya ee ololahiisa ka wada guri ku yaal dmagaalada Muqdisho, halka musharaxiinta kale ay dhaqaale fara badan ku bixinayaan hoteelada ugu waaweyn ee magaalada Muqdisho.

Ameeriko, sidoo kale waa musharaxa kaliya ee ololihiisa doorasho ka wada Waqooyiga Muqdisho, halka musharaxiinta kale ay degan yihiin Koonfurta Muqdisho.

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa xafiiska ku howlan ololahiisa musharaxnimada wuxuu door biday halkii musharaxiinta kale hoteelada qaaliga ah dhaqaale ku bixiyaan in kooxda ololaha u wata aysan kireysan hoteello, dhaqaalihii ku bixi lahaana taas badalkeed ay ku taageeraan dadka taagta daran ee ku dhibaateysan magaalada Muqdisho.

ameerikoSida wararku aan ku heleyno, xafiiska ololaha murashax Ameerika ee waqooyiga Muqdisho, ayaa albaabadiisa dadka laga celin, cid walbana ay u furan yihiin, waxaana laga dareemayaa mashquul fara badan oo dadka u hambalyeynaya iyo kuwa taageersan musharaxnimadiisa soo booqda.

Murashaxiinta kale ee ku sugan Muqdisho ayaa iyaga intooda badan ololahooda doorashada ka wada hoteelada, waxaana adag in dadka aan ka tirsaneyn dowladda si fudud ku galaan hoteelada ay degan yihiin oo dhaqaale fara badan ugu baxa.

Ambassador Ameeriko ayaa lagu xusuustaa xiligii uu safiirka ahaa in uu soo dhiciyay dhismaha safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo mudo ka badan 20 sano gacanta dowladda ka maqneyd iyo socdaaladii nabadeed ee uu ku bixiyay guud ahaan gobolada Soomaaliya iyo qurbaha ay degan yihiin jaaliyaddaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada