Xaaska Mo Farah ”Waxaan nahay Muslim laakin ma tukanno salaada” SAWIRRO

Xaaska Mo Farah ”Waxaan nahay Muslim laakin ma tukanno salaada” SAWIRRO

daajis.com:- Mo Farah xaaskiisa oo sheegtay in ay Muslim tahay laakiin aysan tukan. Tania Farah oo ah xaaska orodyahanka Soomaaliyeed ee caanka ah Mo Farah oo wareysi dheer siisay wargeyska Ingiriiska ee  Sunday Telegraph kaasoo ay ugu warantay dhibaatadi iyo qashqashaaddii iyada iyo ninkeeda ay kala kulmeen diyaarad dalka Mareykanka ay kasoo raacayeen iyadoo gaf loogu geystay safkana laga saaray.

kadib taasi ayay ka hadashay Tania iimaanka iyo diinta ay aaminsantahay iyo waliba qaabkii ay Mo isku barteen iyadoo carrabka ku dhufatay in ay Muslim tahay ayna iskuulka xilligii ay dhiganayeen iyada iyo Mo ay isku soo dhawaadeen maadaama ay labaduba muslim ahaayeen.


Tanya ayaa sidoo kale sheegtay in iskuulka ay wada dhigan jireen Mo uuku yaalay xaafad ay caddaanka u badnaayeen taasoo aheyd meel ay ku yaraayeen dadka muslimka ah. Waxey xustay in ay jeceshahay diinteeda Muslimka ayna rajeyneyso in ay ku dadaasho ayna maalin uun xajka tagi doonaan iyada iyo dhamaan qoyskeeda.

Mo farah wiilkiisa iyo gabadha xaaskisa dhashay oo uu soo koriyay oo uu labaduba u hadiyeey biladahii uu snadkaan soo qaaday

Tanya oo ka hadleysay salaadda iney tukadaan iyo in kale ayay tiri ”Ma tukano maalinii shan jeer laakiin xaqiiqo ahaan waxana raacnaa mabaadii’da aasaasiga ah ee diinta Islaamka gaar ahaan caruurteyda ayay tiri.

Mo Farah ayaa haatan ah horyaalka hoggaanka u haya orodka dheer ee caalamka dhan ee 10ka kun ee mitir iyo 5 ta kun ee mitir asigoo biladda dahabiga koowaad kasoo qaatay cayaarahii olombikada ee Rio De Jeniero ee Brazil lagu qabtay sanadkan waa cayaaaryan dadaal badan reerkiisana aad u jecel waxaana uu biladihiisa u hadiyeey dhamaan caruurtiisa.

Mo farah iyo mataanaha uu dhalay iyo biladihii uu hadiyeey sanadkii 2012 kuwaasoo uuka qaaday Olombikadii London.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada