Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in dhalinyaradii lagu xukumay India ay ahaayeen Kaluumeysato

Xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in dhalinyaradii lagu xukumay India ay ahaayeen Kaluumeysato

daajis.com:- Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in dhalinyaradii Soomaalida ahaa ee shalay Maxkamad ku taal dalka India ku xukuntay dil ay ahaayeen Kalluumeysato, iyadoo ku baaqday inay helaan daryeel bani’adanimo iyo garsoor xaq ah.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in xogo dowladda Soomaaliya ay heshay ay ku ogaatay in dhalinyaradaas ay ahaayeen burcad badeed, ayna qab qabteen maraakiib hubeysan oo aan sharciyad u heysan inay soo galaan Biyaha Soomaaliya

Mr Maareeye ayaa ka codsaday Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaha Soomaalida ku leedahay meelaha ay ku xiran yihiin dhalinyarada Soomaaliyeed inay si dhow ula socdaan xaaladooda daryeel, caafimaad iyo helista garsoor hufan.

“Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Safaaradaha meelaha ay dhalinyarada ku xiran yihiin waxaa haboon inay tallaabo u qaadaa sidii ay u heli lahaayeen cadaalad, cafis iyo in dib dalkooda loogu soo celiyo dalkooda”ayaa lagu yiri War saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka Warfaafinta.

“Dowladda Soomaaliya waxay ka codsaneysaa dowladaha ay ku xiran yihiin dhalinyaradaas ku eedeysan burcad badeednimada sida Hindiya, Seychelles iyo Kenya iyo dhamaan wadamada kale inay hubiyaan daryeelka ay xaqa u leeyihiin muwaadiniintaas Soomaaliyeed, iskana xil saaraan sidii ay u heli lahaayeen garsoor cadaalad, maadaama dowladda Soomaaliyeed awood u laheyn inay qarreeno u soo dirto.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay dowladahaas inay cafiyaan dhalinyaradaas, kuwa la xukumayna u soo wareejiyaan dalkooda, si ay ugu qaatana xukunkooda inta uga dhiman.
Maalintii shalay ayay aheyd markii Maxkamad ku taal dalka Hindiya ay 50 ruux dhalinyaro Soomaaliyeed lagu eedeeyay burcad badeednimo ay ku xukuntay dil, taasoo aheyd arrin amakaag ku noqotay dadka Soomaaliyeed.

Halkan ka akhriso War saxaafadeedka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada