DAAWO:- Dood Aan Waxbo Leysku Reeban oo Wasiiro Puntland iyo Galmudug ka tirsan Looga Qabtay dagaalka magaalada Gaalkacyo

DAAWO:- Dood Aan Waxbo Leysku Reeban oo Wasiiro Puntland iyo Galmudug ka tirsan Looga Qabtay dagaalka magaalada Gaalkacyo

daajis.com:- Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa ka taagan Xiisad dagaal oo u dhaxaysa Ciidamada maamulada Puntland iyo Galmudug, Waxaana Barnaamij Dood ah oo loo qabtay Wasiiro ka tirsan Labada dhinac kuwaasi oo ka qayb galay Barnaamijka Maan-hadal ee Idaacada Daljir.

Barnaamijka ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka howlaha guud iyo gaadiidka Maamulka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur (Taardhuleed) iyagoo aan waxba isku Reeban.

Wasiirka Amniga Galmudug ayaa yiri “Anigu been sheegi maayo Ciidan is horfadhiya xabad inay joojinayaana ma balan qaadi karo, beenta iyo khiyaanada shacabkooda puntland baa ku caan baxday,  Nidaamka Cabdiweli iyo Xukuumadiisu ma qabo inay samatabixin karaan dadka Gaalkacyo,” ayuu hadalkiisa raaciyey.


Wasiirka Hawlaha guud ee Puntland ayaa yiri “Taar-Dhuleed haduu AK47 soo rido qoriga ugu weyn baan madaxa kaga jarayaa waayo waa nabad diid, Anagu Difaac ayaanu Nahay, Taar-dhuleedoow Jooji Weerarka “ 


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada