Dagaal ka Bilowday Gaalkacyo iyo Hub Culus oo la isu adeegsaday (Dhegayso)

Dagaal ka Bilowday Gaalkacyo iyo Hub Culus oo la isu adeegsaday (Dhegayso)

daajis.com:- Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa saaka waxaa dib uga Bilowday dagaalka u dhexeeya Ciidamada Galmudug iyo Puntland, Iyadoona Is rasaasayn ay ka socoto Galbeedka Magaalada Gaalkacyo, waxaana dhowaaqa Hubka Culus ee labada dhinac isku ridayaan siwayn looga maqalayo magaalada.

Sidoo kale Waxaa jira Madaafiic  ku dhaceysa Xaafado ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug, Wuxuuna dagaalka kusoo beegamiyaa iyadoo ay Jiraan Dedaalo Nabadeed oo labada Maamulka ee Puntland iyo Galmudug Laga dhex waday.


Lama oga illaa hadda khasaaraha ka dhashay iyo sababaha soo cusbooneysiiyey dagaaladan, iyadoo magaalada Gaalkacyo ay degeneyd labadii cisho ee u dambeysay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada