DHEGAYSO: Jen: Yuusuf Indho-cade oo Si Kulul uga hadlay Dagaalka MUDUG, Doorashada CADAADO Iyo Ahlu-Sunah

DHEGAYSO: Jen: Yuusuf Indho-cade oo Si Kulul uga hadlay Dagaalka MUDUG, Doorashada CADAADO Iyo Ahlu-Sunah

daajis.com:- Jen. Yuusuf Maxamed Siyaad Indhocade ayaa Wareysi uu Bixiyey Wuxuu uga hadlay, Dagaalada Puntland iyo Galmudug, Doorashada Cadaado ka socota ee Aqalka Sare iyo Arrinta Ururka Ahlusunna.

Yuusuf Indhacadde ayaa soo dhoweeyey Doorashada Aqalka Sare ee Cadaado ka socota, iyadoo  Shalayna lagu doortay ilaa iyo 5 Xubnood oo ka mid ah 8-da Xubnood ee Galmudug u metelaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Dowlada Fedraalka.

Sidoo kale Yuusuf Indhacade  ayaa nasiib daro ku tilmaamay Dagaaladaas isagoona sheegay in Masuuliyada wixii halkaas ka dhacay ay qaadanayaan Labada Maamul, Wuxuuna Madaxda labada maamul ugu Baaqay inay isku taagaan sidii dagaalka loo Joojin lahaa, Isagoo ku sifeeyay dagaal laga Naxo oo Nasiib daro ah.

Ugu danbayntii Waxa kale oo uu Yuusuf Indhacadde Fariin u diray Ururka Ahlu-Suna isagoona u jeediyey inaysan Qori wax ku raadin oo ay Wadahadal iyo walaalnimo ay wax ku Raadiyaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada