Ethiopia oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn in Somalia ay…

Ethiopia oo sheegtay inaysan diyaar u aheyn in Somalia ay…

daajis.com:- Dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday in gudaha Somalia ay u joogto maslaxadeeda gaarka ah, waxa ayna tusaale usoo qaadatay ciidamadeeda ku sugan qeybaha nabdoon ee Gobolada Somalia.

Dr. Tedros Adhanom oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Ethiopia, ayaa hadalkaasi ka sheegay kulan uu magaalada Addis Ababa kula qaatay Saraakiil Ethiopia ah oo dhawaan howlo shaqo loogu waday Ethiopia kuwaasi oo ka howlgali jiray Somalia.

Tedros waxa uu sheegay in Ciidamada Ethiopia aysan Somalia u joogin xalinta colaadaha dagaal ee ka dhexeeya Dowlada iyo Al-shabaab, balse u jeedka ay Somalia u joogan ay tahay in Al-shabaab lagu mashquuliyo gudaha Somalia si aysan ugu soo gudbin Somalia.

Tedros waxa uu Saraakiisha u cadeeyay in xasiloonida Somalia ay dhibaato u tahay Ethiopia, waxa uuna si toos ah u abaaray in Somalia ay muddo kooban ku noqon karto Hooyada Africa, waa haddii ay hesho amni iyo kala danbeyn, hayeeshee ay taasi sabab u tahay in Ciidamadooda aysan si toos ah uga qeybqaadan dib usoo celinta Amniga Somalia.
Nuqul kamid ah qoraal kooban oo lagu baahiyay Wargeysyada dalkaasi ayaa u qornaa ”Ethiopia iyo Somalia kama dhexeyso maslaxad walaaltinimo, marnaba ma ogolaan doono in Somalia ay ka hanaqaado halka ay hadda joogto”

”Haddii aan ciidamadeena kala soo baxno Somalia Argagixisadu waxa ay nooga soo talaabeysaa xuduudaha aan Somalia la wadaagno waa in ciidamadeena ay kusii jiraan Somalia si ay u mashquuliyaan Alshabaab”

Wasiir Tedros, waxa uu Saraakiisha ugu baaqay in mar waliba ay indho gaara u yeeshaan in dib usoo kabashada Somalia ay saameyn ku yeelan karto Ethiopia.

Tedros waxa uu ka digay in Saraakiisha qaar ay ku dhaqaaqan talaabooyin aysan farin Talisyada ay ka amar qaatan.

Haddalka Wasiir Tedros ayaa mugdi galinaaya rajadii laga qabay in dib usoo laabashada Somalia ay ka qeybqaatan Dowladaha deriska la ah Somalia.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada