Koonfu-Galbeed oo Sheegtay in Ciidamo Dheeri ah la Gaynayo Degmeda Afgooye, Weerarkii Kadib (VIDEO)

Koonfu-Galbeed oo Sheegtay in Ciidamo Dheeri ah la Gaynayo Degmeda Afgooye, Weerarkii Kadib (VIDEO)

daajis.com:- Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Ciidamo Militari oo dheeri ah oo la geynayo Gobolka Shabeelaha Hoose, maadaama dhawaan degmedaasi ay weerar xoogani ay ku soo qaadeen dagaalyahano taabcsan ururka Al Shabaab.

Kulan shalay ay Magaalada Baydhabo ku yeesheen Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay kaga hadleen weerarkii Afgooye, waxaana ay isku raaceen in Ciidamo dheeraad ah la geeyo Gobolka Shabeelaha Hoose.


Golaha Wasiirada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale sheegeen saldhigyo waa weyn in Ciidanka Koonfur Galbeed looga sameyn doono Gobolka Shabeelaha Hoose, si ay uga hortagaan weerarada Al Shabaab.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa dhowaan ka dhacay Weeraro qorshaysan oo ay soo qaadeen dagaalyahano taabacsan ururka Al Shabaab iyo Dagaal beeleedyo soo noq-noqday oo ay isaga soo horjeedaan Beelo wada dega gobolkaasi.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada