Lionel Messi Oo Si Xun U Aflagaadeeyay Jamaahiirta Valencia Ka Dib Markii Ay Caag Biyo Ah Madaxa Uga Dhufteen Neymar & Suarez

Lionel Messi Oo Si Xun U Aflagaadeeyay Jamaahiirta Valencia Ka Dib Markii Ay Caag Biyo Ah Madaxa Uga Dhufteen Neymar & Suarez

daajis.com:-  Lionel Messi ayaa ku qeyliyay ‘s**lka hooyadaa’ ka dib markii uu arkay weerar ay asxaabta kooxdiisa kala kulmeen jamaahiirta Valencia iyagoo u dabaaldegayay rigoore uu dhaliyay waqtigii dhimashada taasoo keentay in Barcelona ay 3-2 ku badiso.

Messi oo inta badan deganaansho muujiya ayaa u dabaaldegayay rigoorada guusha ee uu dhaliyay iyadoo ciyaartoyda Barcelona ay ku hor dabaaldegayaan taageerayaasha mayalka adag ee Los Che kuwaasoo aan ku farxin arinkaas.

Waxa ay bilaabeen inay dhowr waxyaabood ku soo tuuraan xiddigaha Barcelona iyadoo caag biyo ah ay madaxa kaga dhacday Neymar halka Luis Suarez uu isna u muuqday mid ay ku dhaceen iyagoo dhulka is dhigay.

Intii ay asxaabtiisa cawska jiifeen ka dib caaga madaxa loo dhuftay Messi ayaa ku jeestay taageerayaasha isagoo si waali ah ugu sii hor dabaaldegay islamarkaana bilaabay inuu aflagaadeeyo.

Muuqaal laga qabtay ayaa muujinaya isagoo ku caytamaya luqada Isbaanishka: “S**lka hooyada, wiilal ay dhaleen kun sharmuutooyin!”
Ugu danbeyn midkoodna labada xiddig ee Barcelona ee walxaha lagu dhuftay ma aysan soo gaarin wax dhaawac ah si la mid ah Paco Alcacer kaasoo isna mar sii horeysay lagu dhuftay bac ay ka buuxaan miraha gabaldayaha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada