Waxaa sii Badanaya Dumarka Donald Trump ku Eedeynaya inuu Faraxumeeyay (VIDEO)

Waxaa sii Badanaya Dumarka Donald Trump ku Eedeynaya inuu Faraxumeeyay (VIDEO)

daajis.com:- Waxaa maalinba maalinta ka danbeysa soo baxaya dumar sheegaya in uu faraxumeeyay Donald Trump, shalay oo kaliya ayaa waxaa soo baxay labo dumar ah oo sheegay inuu si qasab ah u dhunkaday.

Musharax xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa ku gacan sayray inuu dumar u gaystay faraxumayn, arintani ayaa waxa uu sheegay xili uu la hadlayay Taageerayaashiisa ku sugan Gobolka Florida ee dalka Mareykanka.



Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, ayaa sheegay in dumarkaasi ay yihiin kuwa been badan, warbaahintana ay la safanaayaan haweeneyda la loolameeysa ee Hillary Clinton.

Xaaska Madaxweynaha Mareykanka, Michelle Obama ayaa horey u sheegtay in Arrimaha Dumarka ee Trump ay yihiin kuwa naxdin iyo liidid dhanka dumarka leh. Sidoo kale, madaxweyne Obama ayaa sheegtay in hogaamiyeyaasha looga baahan yahay inay yeeshaan Waxyaabaha Aasaasiga u ah Damiirka bani’aadmiga.

Weeraradani dhanka dumarka ayaa waxa ay soo baxeen, kadib markii maalmo ka hor cajalad video ah ay soo gaartay wargayska Newyork Times ee dalka Maraykanka, muuqaalkaasi oo laga maqlayay Donald Trump oo Sharaxaya sida uu dumarka u faara xumeeyo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada