Daawo: C.raxmaan Faroole oo si Kulul Uga hadlay Dagaalka Dhiiga Badan ku daatay ee magaalada Gaalkacyo

Daawo: C.raxmaan Faroole oo si Kulul Uga hadlay Dagaalka Dhiiga Badan ku daatay ee magaalada Gaalkacyo

daajis.com:- Madaxweynihii hore ee Puntland kana mid ah xubnaha aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ka hadlay dagaalada kusoo laalaabtay magaalada Gaalkacyo, Wuxuuna sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay uu ahaa Midkii ugu Khasaaraha Badnaa.

C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa sheegay in dagaalada magaalada Gaalkacyo ay saameyn adag yeesheen loona baahan yahay in labada maamul ka shaqeeyaan joojinta colaada muddada qaadatay.

Wuxuu Sheegay in xubnaha aqalka sare ee matalaya Galmudug ay kala shaqeyn doonaan sidii looga qeyb qaadan lahaa joojinta colaada magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.


Doorasho ka dhacdo dalka Soomaaliya ayuu sheegay haddii la doonayo in muhiim tahay joojinta dagaalada ka dhacaya magaalada Gaalkacyo, madaxdana looga baahan yahay iney tagaan magaalada Gaalkacyo.

Dowlada Soomaaliya ayuu sheegay in masuuliyad weyn ka saaran tahay dagaalada ka dhacaya magaalada oo dad badan ku dhinteen kuna barakaceen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:46 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada