DAAWO: Donald Trump oo ku dhawaaqay in si degdeg ah u musaafurin doono illaa 3-milyan oo qaxooti…

DAAWO: Donald Trump oo ku dhawaaqay in si degdeg ah u musaafurin doono illaa 3-milyan oo qaxooti…

daajis.com:- Madaxweynaha la doortay Donald Trump ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu musaafuriyo labo illaa saddex milyan oo qaxootiga aan la diiwaan gelin ee sharci darada ku jooga Mareykanka.

Donald Trump ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday inuu dhisi doono darbia ee laga hirgelinayo Xuduuda u dhaxeysa Mareykanka iyo Mexico.

Wareysi uu siiyay Barnaamijka 60 Minutes ee ka baxa Telefishinka CBS ayuu taageerayaashiisa u xaqiijiyay in kuwa uu musaafurinayo ay ku jiraan burcada iyo kuwa ka ganacsada daroogada.


“Dadka ku jira diiwaanka dambiyada, kuwa ka ganacsada daroogada iyo qaxootiga sharci darada ku jooga halkan sida ugu dhaqsiyaha badan ayaa ku musaafurin doonaa”ayuu yiri Donald Trump.

Waxaa uu sheegay inuu ka dhabeynayo balan-qaadkiisa Ololaha doorashada markii uu ku jiray ee ahaa inuu darbi ka dhisayo xuduuda Mareykanka iyo Mexico ay wadaagaan.

Donald Trump ayaa dhowaan ka laabtay qaar ka mid ah balan-qaadyadii uu sameeyay markii ololaha uu ku jiray, gaar ahaan barnaamijka Obama Care, oo uu horay ugu tilmaamay mid musiibo ah, isla markaana uu meesha ka saarayo.

Hadalkan ka soo yeeray Donald Trump ayaa ku soo beegmaya, iyadoo banaan baxyada lagu diidan yahay ay galeen habeenkii shanaad, waxaana kumanaan ruux ay dibad baxyo ka dhigayaan magaalooyinka ku yaala Mareykanka.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada