DAAWO: Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo mar kale dib u dhacaysa

DAAWO: Doorashada Madaxwaynaha Soomaaliya oo mar kale dib u dhacaysa

daajis.com:- Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating ayaa sheegay in dib u dhac ku imaanayo xiligii horey loogu qorsheeyay in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.


Micheal Keating ayaa cadeeyay in sida ay hada wax u socdaan aysan suurto gal aheyn in ay dhacdo doorashada Madxaweynaha Soomaaliya xiligii loogu tala galay oo aheed maalinta arbacada soo socota oo ku beegan 30 ka bisha November.

Waxa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arimaha Soomaaliya in doorashada Soomalaiya qiyaas ahaan ay dhici karto 15-ka December ee soo socota, waxa uuna rajo ka muujiyay in doorashada Soomaaliya ay si wanaagsan kusoo dhamaato.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada