DAAWO:- Miyaad Dareemeysaa Cadaadiska ? Xidiga Gool La’aanta Heyso Ee Zlatan Ibrahimovic Oo Ceeji Ku Qabtay Daafac Fenerbace Ah

DAAWO:- Miyaad Dareemeysaa Cadaadiska ? Xidiga Gool La’aanta Heyso Ee Zlatan Ibrahimovic Oo Ceeji Ku Qabtay Daafac Fenerbace Ah

daajis.com:- Markii ay goolasha kuu dhalan waayaan maxaa la sameeyaa ? Daafacyada ayaa ceeji lagu qabtaa ! Hagaag, taasi waa caado uu yaqaano Zlatan Ibrahimovic kaasoo xalay markale shabaqa soo taaban waayay laakin margiga qabtay daafaca kooxda Fenerbahce iyo xulka Danmark ee Simon Kjaer.

Weeraryahankii hore ee PSG ayaa laga yaabaa inuu ganaax muteysto iyadoo ay Uefa baaritaan ku sameyn doonto habdhaqankiisaa kulankii xalay ay kooxdiisa markale guuldarada la kulantay.

Zlatan ayaa badalay xidiga dhaawacmay ee  Paul Pogba laakin sida uu muujinayo sawirkaan hoose, xaalada ayaa ku kululaatay wuxuuna madaxa ka riixay dhuuntana ku dhagay Kjaer markii ay murmeen.

Zlatan ayaa dagaal kula jira xulka ay dariska yihiin Danmark oo uu hore ugu eedeeyay iney doonayeen iney ciyaaraha caalamiga ah ka fariisiyaan laakin uu isaga ka fariisay sida uu isaga hadalka u dhigay.

HAL KAAN HOOSE KA DAAWO DHACDADAAN.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada