DAAWO: Muuqaal Cusub ee Qaraxii Shalay ee Suuqa Beerta

DAAWO: Muuqaal Cusub ee Qaraxii Shalay ee Suuqa Beerta

daajis.com:- Qaraxii ismiidaaminta ahaa ee shalay magaalada Muqdisho ka dhacay ayaa waxa ay dhibaatada ugu badani ka soo gaartay dadkii shacabka ahaa ee goobtaasi ku ganacsanayay oo nolol maalmeedkoodii ka raadsanayay, waxaana kaloo halkaasi lagu bur-buriyay goobo ganacsi oo badan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka qaybgalaayay furitaanka Xarunta Cilmiga iyo Tiknoolijiyada ee Jaamacada Umadda, kuna sugnaa wadada 21 October ah oo ah dhinaca kale ee wadada uu qaraxa ka dhacay, ayaa ahaa mas’uulkii u horeeyay oo warbaahinta u sheegay, in ciidamada ammaanka ay ku guuleysteen qabashada ruuxii ka dambeeyay gaarigii qaraxaasi siday.

Ururka Al- Shabaab ayaa markii danbe sheegtay masuuliyada qaraxaasi Khasaaraha badan ka dhashay ee dadka rayidka ah loo gaystay, iyadoo dadkani badankood la dhigay isbitaalka Madiina ee magaalada muqdisho.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:58 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada