DAAWO: Nin Soomaali ah oo qamaar ku ciyaaray Hal milyan Dollar kadib maxaa qabsaday…

DAAWO: Nin Soomaali ah oo qamaar ku ciyaaray Hal milyan Dollar kadib maxaa qabsaday…

daajis.com:- Nin Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inuu in ka badan 1 Malyuun oo doolar uu Qamaar ku cayaarey arintaas oo keentay inuu nolosha ka dhaco islamarkaana ay ka qaxaan qoyskiisa iyo caruurtiisiiba ka dib markii ay ku adkaatey nolosha oo ayna u dulqaadan waayeen dhaqanka foosha xun ee ninkaas.

Ninkaan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Aadan Cismaan oo 49 sano jir ah oo ku nool magaalada Farmington ee gobolka Connecticut ee dalkaas Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inuu lacag kor u dhaaftay 1 Malyan oo doolar inuu ku ciyaarey qamaarka loo yaqaan baqtiyanasiibka ama Lotteryada,


Ninkaan oo Ganacsada ahaa ayaa dukaankiisa waxaa uu ku iibin jirey tigidhada Lotareeyada, Laakiin ninkaas ayaa asagu uu tigidhadaas cadeysan jirey si uu mar un ugu guuleysto qiimaha ugu sareeyo oo gaari karo ilaa boqolaal Malyuun oo doolar laakiinse arintaas maranaba ma aysan dhicin asagana waxaa uu noqday nin qaameysan ama ay qasab ku noqtey inuu bixiyo lacagta tigidhadaas uu cadeystey, Ninkaan ayaa markii uu mudo ku jirey noloshaas ayaa waxay keentay inuu kaco ayadoona ay sidoo kale ay ka carareen xaaskiisa iyo 3 gabdhood oo uu dhalay.

Ugu dambeyntiina iyadoo ninkaas ay dacwad ku soo oogtay shirkadii lahayd Mashiinadaas Lotareyga si uu u bixiyo lacagta tigidhadaas ayaa maxkamadu waxay horey ugu xukuntey inuu bixiyo lacag boqolaal kun oo Doolar oo uu siiyo shirkadaas ka ganacsato Lotareeyada,

Laakiin Kiiska ninkaas oo ay Maxkamadu ay mar kale dib u eegtay ayaa waxay ka saamaxday lacagtaas maadaama loo arkay inuu ninkaas uu noqday qof ay balwad u noqotey ciyaarta Qamaarkaas,
Ninkaan Soomaaliga ah oo hada ka soo kabanaayo noloshaas adkeyd ee uu soo marey ayaa waxaa laga sameeyay Filim ama Dokomentaariyo loogu magac daray Out Of Luck taas oo dadka looga digaayo inay caadeystaan qamaarka noocaas oo kale ah ka dibna ay noloshooda ay noqoto mid baaba’asan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada