DHEGAYSO: Waxgaradka Galmudug oo sheegay inuu Hada Dagaalku Bilowday “DAARAHA Dhulka Ayaanu Dhigaynaa”

DHEGAYSO: Waxgaradka Galmudug oo sheegay inuu Hada Dagaalku Bilowday “DAARAHA Dhulka Ayaanu Dhigaynaa”

daajis.com:- Waxaa Qaboobay dagaal saaka ka bilowday Duleedka magaalada Gaalkacyo, wararka aan ka helayno Aagagii lagu dagaalamay ayaa sheegay in Madaafiic ay dhinacyadu isku ridayaan.

Qaar ka mid ah Waxgaradka Galmudug ayaa si adag uga hadlay Dagaaladda ka socda Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, waxayna sheegeen in Dagaalkan uu Hada bilow u yahay Maamulka Galmudug Wax nabad ahna aan la qaadan Karin, “Reer Galmudug Hada ayay Dagaalka Bilaabeen, Nabada aad sheegtay C.wali Gaasoow Cirka alle haku Dhejiyo, Waa wax aan dhacayn, Markii Hore Galmudug dagaalka way ku Qabsanayd, Hada ayay Wada Taabatay”.

Mid ka mid ah Waxgaradka Galmudug ayaa sheegay in Gaalkacyo lagu kala bixi doono, ayana labada dhinac uu mid ka talin doonto “C/weli gaas waxa uu yiri waxa Puntland ku soo duulay, Daacish, Al-Shabaab, DF, Galmudug & UN-ka, Shalay waxa uu yiri in la heshiiyey waa tuma Cidda uu la heshiiyey” ayuu yiri.

Xaalada Magaalada Gaalkacyo ayaa kacsan, waxana Jabay Heshiiskii shalay la gaadhay, iyaddoona Hanjabaado Culus ay ka soo yeerayaan labada dhinac.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada