Donald Trump “Soomaalida Masiibo weyn ayay ku yihiin Minnesota & gobolada kale”

Donald Trump “Soomaalida Masiibo weyn ayay ku yihiin Minnesota & gobolada kale”

daajis.com:- Donald Trump oo ah musharaxa xisbiga Jamhuuriga ee dalka Mareykanka ayaa markale weerar afka ah ku qaaday Soomaalida ku nool gobolada dalka Mareykanka gaar ahaan gobolka Minnesota.


Musharax Trump ayaa dhaliil xoogan usoo jeediyay dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gobolada dalka Mareykanka, balse wuxuu si gaar ah farta ugu fiiqay Soomaalida gobolka Minnesota.

Wuxuu sheegay in Soomaalida ay musiibo weyn ku yihiin gobolka Minnesota, walow uusan sii macneyn wuxuu kala jeedo.

Laakiin wuxuu si cad u sheegay in Soomaalida Minnesota ay u nugul yihiin iney ku biiraan lana shaqeeyaan kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria, Iraq iyo Libya.

“Qaxootiga aadka u faraha badan ee ay Soomaalida ay ka mid yihiin waa musiibo aad u weyn oo soo gaartay dalka Mareykanka gaar ahaan Minnesota , waxa ay la shaqeeyaan kooxda Daacish , ma ahan dadka  Aqoon leh ama xirfad leh marka waa ay iska yimaadeen halkaani si khaldana waa loo dejiyay guul fiican mahan taasi” ayuu yiri Donald Trump.
Donald Trump ayaa wacad ku maray hadii uu noqdo madaxweynaha dalka Mareykanka in aysan iska imaan doonin dadka Soomaaliyeed dalka Mareykanka ,islamarkaana ay go’aan adag ay ka qaadan doonaan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada