Dukumiinti kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM oo kusaabsan Soomaaliya iyo Eritrea

Dukumiinti kasoo baxay Golaha Ammaanka ee QM oo kusaabsan Soomaaliya iyo Eritrea

daajis.com:- Dukumiinti bishii aanu soo dhaafnay kasoo baxay xarunta QM gaar ahaan golaha ammaanka ayaa aad loogu falanqeeyay arimaha Soomaaliya iyo Eretria gaar ahaana Soomaaliya.

Kooxda la socota gaar ahaan arimaha Soomaaliya iyo Eriteria [Monitoring Group on Somalia and Eriteria] ayaa iyana warqad arintaa kasoo saartay ayadoo ladoonayo in dareenka xubnaha golaha ammaanka lagu soo jeediyo warqadaa iyo warbixintaba.

Arimaha looga hadlay ayaa waxaa kujira warbixintaa falalka keena amni darada Soomaaliya, dhaqdhaqaaqyada Harakat al-Shabaab al-Mujaahidiin, siyaasadaha khaldan ee saameeya dalka, musuqa iyo lunsiga hantida dawlada iyo kheyraatka dabiiciga ah.

Waxaa kaloo looga hadlay waxyaabaha hortaagan gargaarka baniaadminimo, weerarada ka dhanka ah shaqaalaha gargaarka, leexsashada raashinka iyo qarashaatka loogu tala galay dadka tabaaleysan, xadgudubyada ka dhanka ah sharuucda caalamiga ah, bartilmaansiga lagu hayo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan, ammaanka gobolka dhanka bari ee qaarada Afrika guud ahaan, maleeshiyaadka maxaliga ah, ciidamada shisheeye, askareynta carruurta, iyo barakicinta dadka shacabka ah ee masaakiinta ah.
Sidoo kale ayaa warbixintu qaadaa dhigtay cunaqabateynta hubka, waafaqida dawlada federaalka ah ee cunaqabateyntaa dhanka hubka ah gaar ahaan ayadoo haatan qeyb la qaaday cunaqabateyntaa, taageerada la siiyo hayadaha dawliga ah ee Soomaaliya, shabakadaha hubka ka ganacsada, shirkada Daallo Airlines iyo qaraxii laptop-ka ee 2dii bishii 2aad ee sanadkaan lala bartilmaansaday mid ka mid ah diyaaradaheeda, ku xadgudbida cunaqabateynta saaran soo saarida dhuxusha iyo jarida geedaha ama dhirta Soomaaliya ayadoo arinkaa looga dan leeyahay, la shaqeynta kooxda  arimaha Soomaaliya iyo Eriteria [Monitoring Group on Somalia and Eriteria] ee hayadaha dawliga ah iyo ururada bulshada rayidka ah, iyo dawlad goboleedyada.

Dhanka lifaaqyada waxaa warbixinta ama dukumiintigu xusayaa qaabka dukumiintiga xogta ku jidha loosoo helay iyo weerarada ka dhanka ah AMISOM.

Sidoo kale ayaa warbixinta waxaa kujirta talo bixin kusaabsan qaabkii loo wajihi lahaa waxna looga qaban lahaa dhibaatooyinka lagu xusay warbixinta.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada