Kanye West oo Loo Malaynayo Inuu Waashay oo Isbitaal Loola Cararay (VIDEO)

Kanye West oo Loo Malaynayo Inuu Waashay oo Isbitaal Loola Cararay (VIDEO)

daajis.com:- Heesaaga (Raper-ka) caanka ah ee Kanye West ayaa waxaa loo malaynayaa inuu waashay oo uu isdhex qaaday, kadib markii dad u soo daawasho tegay Bandhig-faneed (Concert) uu qabanayay ee magaalada Secramento ee dalka Maraykankaay la yaabeen hadaladiisa.

Kanye West oo mudo hal-saac iyo bar ah ka soo daahay bandhigii uu qabanayay, ayaa markii uu qaaday laba hees oo kaliya ayaa waxaa uu halmar bilaabay calaacal iyo cay uu u jeedinayay Jay-z iyo Beyonce oo ah lamaane saaxiib la heesaagani.

Dadka meesha ku sugnaa ayaa markii hore u arkayay wax lagu qoslo, laakiin markii calaacalku uu daba dheeraaday ayay waxay dadkii bilaabeen inay buuqaan, kadibna waxa uu Mikaroofankii ku tuuray dhulka, meeshana isaga tegay.

Hadaba xalay ayaa la sheegay in Kanye ay Xaaskiisa Booliska ugu wacday, kadib markii ay ka dareentay inuu is dhexqaaday, waxaana isaga oo jeebeysan loola cararay Isbitaalka Magaalada Los-Angels.

Hadaba arintani ayaa waxa ay tahay mid aad looga hadal hayo barta Social_media-ha ee Facebook-ga iyo Twitter-ka.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada