Lacag Intee La Eg Ayey Mushaar Ahaan U Qaataan Madaxda Ugu Sareysa Dowladaha Caalamka (Warbixin)

Lacag Intee La Eg Ayey Mushaar Ahaan U Qaataan Madaxda Ugu Sareysa Dowladaha Caalamka (Warbixin)

daajis.com:-  Shabakada daajis oo ah shabakad had iyo goor idinka haqabtirto baahidiina ku aadan dhanka wararka ku saabsan aflaanta, arimaha bulshada iyo sirta qarsoon ee nolosha ayaa maanta idin soo bandhigi doonto maqaal ku saabsan shaqsiyaadka jagooyinka sarre ka hayo dowladaha caalamka iyo kuwooda ugu mushaarka badan.

Hadaba maqaalkeena waxaan kaga hadli doonaa kaliya 10 ka shaqsi ee ugu mushaarka badan iyo dalka ay u dhasheen anaga oo sidoo kale idin soo gudbin doono qiimaha lacageed ee sanad waliba shaqsiyaadkaas jeebka loogu shubo.

Hadaba maqaalkeena waxaa ugu horeyn doono madaxweynaha Mareykanka, sida aan wada ognahay America waxaa dhawaan doorashadii ka dhacday ku guuleystay Donald Trump oo noqday madaxweynihii 45aad ee soo mara dalkaasi.

Donald sida caadada ah waxaa la siin doonaa sanadkii 400 kun oo dollar, maadaama Brack Obama oo ahaa madaxweynihii ka horeeyey uu qaadanayey 400 kun oo dollar sanadkiiba.

Kaalinta labaad waxaa soo galay ra’iisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau, Mr Trudeau ayaana noqday sanadkii 2015 ka ra’iisul wasaarihii 23aad oo ay yeelato dowladda Canada, Waxa uu ninkaan Canadian ka mushaar ahaan u qaataa sanadkii 532 kun oo Canadian Dollar taasoo u dhiganta 260 kun oo dollar ka mareykanka.

Halka kaalinta seddexaad ee warbixinteena ay nasiib u yeelatay haweeneyda ka arimisa dalka Germany Angela Merkel waxa ayna dowladda Jarmalka ka qaataa marwadaan sanadkii lacag dhan 242 kun oo dollar ka mareykanka ah.

Shinzō Abe oo ah ra’iisul wasaaraha dalka dhaca bariga qaaradda Asia ayaa dowladda dalka Japan ka qaata qiima lacageed gaarayo 241 kun oo dollar.

Jacob Zoma ha ka arimiyo dalka Koofur Afrika ayaana noqday qofka shanaad ee ugu mushaarka badan marka la fiiriyo dadka xilalka muhiim ka ah ka hayo dowladaha caalamka waxa uuna sanadkii mushaar ahaan ugu qaataa MR Zoma qiime lacageed dhan 206 kun oo dollar.

Madaxweynaha dalka France François Hollande ayaa isna ka qaata dowlada loogaaga arimiyo magaalada Paris sanadkii 198 kun oo dollar.

Haweeneyda xilka ra’iisul wasaaranimada kala wareegtay David Cameron ee Theresa May ayaa ingiriiska iyadana ka qaadata sanadkii 186 kun oo dollar

Halka Madaxweynaha dowlada Lebanon (Lubnaan) Michel Oun uu isna sanadkiiba la tago lacag dhan 157 kun oo dollar

Ra’iisul wasaaraha dalka Russia Vladamir Putin oo ah nin shaqsiyan hanti badan ku fadhiya ayaa dowladda uu qabowga hareeyey ka qaata sanadkii 137 kun oo dollar.

Abdelaziz Bouteflika oo madaxweyne ka ah dowlada dalka Algeria ayaa sanadkii isagana faraqa loogu shubaa qiimo lacageed dhan 124 kun oo dollar

Madaxweynaha dowlada uu dagaalada hareeyey Iraq (Ciraaq) Fuad Masum ayaa noqday qofka aan warbixinteena kusoo koobeyno waxa uuna mushaar ahaan u qaataa qiimo lacageed dhan 80 oo dollar.

Kuwaan waa 10 ka shaqsi ee ugu mushaarka badan dowlad walibana waxaan kasoo qaadanay shaqsiga hayo xilka ugu muhiimsan dalkaasi, waxaana isku dayi doonaa inaan idin soo gudbino shaqsiyaadka kale ee ku xiga.

Wallow madaxweyne yaasha soo mara dalkeena aan la aqoon inta lacag oo ay ka qaataan dowladda dalkeena hooyo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:57 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada