Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran oo War kasoo saaray Doorashada

Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran oo War kasoo saaray Doorashada

daajis.com:- Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran (MHQ) waxey bogaadisay doorashooyinka dalka ka socda oo maraya heer gabo-gabo ah, isla markaasna ay ku ammaanayaan guddiyada doorashooyinka sida habsamida leh ee ay u fuliyeen doorashooyinka.

Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran ayaa sheegtay in loo baahanyahay in si deg-deg ah loo dhameystiro doorashooyinka kuraasta harsan. Madasha ayaa si gaar ah u ammaantay guddiyada doorashooyinka ee heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed oo suurtogeliyey in doorashooyinka ay ka qabsoomaan gobollada dalka una dhacaan sidii loo qorsheeyey. Madasha ayaa sidoo kale ammaantay doorka wanaagsan ee Hay’adaha amniga ee heer Federaal iyo Dowlad Goboleed iyo AMISOM ay u sugeen ammaanka goobaha doorashooyinka dalka.

Madasha Hogaamiyeyaasha Qaran ayaa sheegtay in nidaamka doorashooyinka sida ku cad habraaca Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashooyinka Dadban (GXKDD) ee la isla gartay uu qeexayo in waxii cabasho ah loo gudbiyo GXKDD oo doorkiisu yahay inay dhageystaan dhammaan cabashooyinka soo mara nidaamka. Sidaas daraadeed, Madasha Hugaamiyeyaasha Qaran waxey taageero buuxda la garab taagan tahay GXKDD sidii ay u gudan lahaayeen howsha adag ee loo xilsaaray waxayna ugu baaqeysaa GXKDD inay si deg-deg ah u guda galaan dacwadaha loo soo gudbiyey si madax-bannaan uga gaaraan go’aanada ku habboon iyagoo fursad siinaya dhammaan shaqsiyaadka soo gudbiyey cabashooyinka iyo kuwa laga soo gudbiyey si ay u gaaraan go’aan waafaqsan sharciga iyo nidaamka doorashooyinka dadban.

Madasha Wadatashiga Qaran ayaa ugu danbeystii ugu baaqday shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan guddiyada doorashooyinka iyo Dowlad Goboleedyada si doorashooyinka harsan loogu soo gabogabeeyo sida ugu dhaqsiyaha badan.

Dhinaca kale Farshaxanka Soomaaliyeed ee Amiin Caamir ayaa Sawir Murugo Xambaarsan, ku Muujiyey Hogaamiyeyaasha Madasha.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:07 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada