Madaxweyne Donald Trump oo Sheegay in Qaybo Kamid ah ObamaCare Inuu Isticmaali Doono (VIDEO)

Madaxweyne Donald Trump oo Sheegay in Qaybo Kamid ah ObamaCare Inuu Isticmaali Doono (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweyne Donald Trump ayaa warbaahinta u sheegay in ay u furan tahay in uu isticmaali doono qeybo ka mid ah barnaamijka caafimaadka ee uu sameeyay madaxweyne Obama.

Donald Trump ayaa si weyn ugu ololeeyay in uu meesha ka saari doono barnaamijka madaxweyne Obama ee ku aaddan in shacabka Maraykanka ay helaan adeeg caafimaad oo qiimo ahaan ay awooddaan.


Waxa uu xiligii uu ololaha ugu jiray xilka madaxweynenimada sheegay in barnaamijkaasi oo loo yaqaano ObamaCare uu yahay mid musiibo ah, uuna tir tiri doono marka uu ku guulaysto xilka Madaxweynenimo.

Balse Domald trump ayaa waraysi uu siiyay barnaamijka 60 minute waxa uu ku sheegay, inay u badan tahay in uu daayo qeybo ka mid ah barnaamijkaasi, oo uu ku tilmaamay mid uu “aad u jecel yahay.”

Trump ayaa hadda u muuqda mid ka laabtay dhowr ka mid ah ballanqaadyadii uu sameeyay markii uu ololeynayay, iyadoo uu maalmo ka hor uu ololihii website-kiisa ka tirtiray in dadka Muslimiinta ah aysan soo galikarin dalka Maraykanka, iyadoo markii uu buuq badan ka dhashay dib loogu soo celiyay sidii uu markii hore ahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada