Madaxweyne Erdogan oo Weerar Afka Ah ku Qaaday Dalka Jarmalka Kuna Eedeeyay Inay…(VIDEO)

Madaxweyne Erdogan oo Weerar Afka Ah ku Qaaday Dalka Jarmalka Kuna Eedeeyay Inay…(VIDEO)

daajis.com:- Saraakiil Sare oo Turki ah oo kamid ahaa howlgalka NATO oo fadhigooda yahay dalka Jarmalka, ayaa iska dhiibay dalkaasi, kadib markii dowladda Dalka Jarmalka ay ka codsadeen inay siiyaan magangalyo siyaasadeed.

Xiisadda ka dhalatay Saraakiishan Sare ee codsatay magangalyada siyaasadeed ayaa waxaa si weyn u hadal haaya Warbaahinta caalamka, iyadoo ay xusid mudan tahay in Kumanaan saraakiil iyo askar Turki ah la xiray, wixii ka dambeeyay Afgambigii dhicisoobay ee ka dhacay dalka Turkiga.


Lama sheegin inta ay la’egtahay tirada saraakiisha u dhalatay dalka Turkiga ee codsatay Magangalyada siyaasadeed, laakiin waxaa la sheegayaa in ciidamadaasi ay ka baxeen Xerada ciidanka NATO ee dalka Jarmalka ayna iminka ku suganyihiin goob lagu soo dhaweeyay.

Xiriirka u dhaxeeya Dowladda Jarmalka iyo Turkiga ayaa sii xumaanaayay wixii ka dambeeyay markii Turkiga uu xiray kumanaan ka mid ah shaqaalaha Dowladda oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen Afgambigii fashilmay.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:18 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada