Nin U Dhashay Hindiya Oo 40 Maalin Ceel Ku Qoday Markii Uu Ka Xanaaqay Dhibaato Loo Geystay Xaaskiisa!

Nin U Dhashay Hindiya Oo 40 Maalin Ceel Ku Qoday Markii Uu Ka Xanaaqay Dhibaato Loo Geystay Xaaskiisa!

daajis.com:- Nin U Dhashay Dalka Hindiya ayaa waxay ku qaadatay 40 maalin inuu qodo ceel biyo oo dhirir ahaan gaarayo ilaa 15ft si uu qoyskiisa u siiyo biyo, Kadib markii xaaskiisa loo diiday inay ceelka xaafada biyo ka qaadato, wuxuuna ninkaan lagu magacaabo  Bapurao Tajne qabtay shaqo loogu talgalay inay qabtaan 4 ilaa 5 Nin.

Bapurao Tajne ayaa ceelkaan ka qoday xaafada   uu ku dhashay ee Kalambeshwar oo hoos  Maharashtra, kadib markii xaaskiisa ay dhibaato kala kulantay ceel ay biyo u doontay waxaana aflagaadeeyey mid kamid ah dadkii lahaa ceelkaas taasoo sababtay inuu ninkaan ka qaado xanaaq waxayna sababtay inuu si toos ah u bilaabo qodista ceel si aysan mar dambe xaaskiisa dhibaatadaan camal u qaban.

Ninkaan ayaa agabka lagu qodo ceelka kasoo iibsday Magaalada Malegaon, wuxuuna maalin kasta shaqadaan qaban jiray 6 saacadood, 4 saac  intuusan shaqada aadin iyo 2 saac oo markuu shaqada kasoo laabto ah, mana jirin wax dhiiragelin ah oo uu helay ninkaan, dadka deegaankana way ku jees jeesi jireen ilaa xaaskiisa xataa ay gaarto inaysan ninkeeda shaqada ku garab istaagin iyadoo ka cabsaneysay in dadka deegaanka ay ku camirtaan, laakiin dhammaan waxyaabahaan maysan sababin inay ninkaan ka hor istaagaan sii qodista ceelkiisa ilaa uu biyo ka keenay.
Hadda oo ay dhamaatay qodista ceelkaan oo dhererkiisu yahay 15ft, balaciisuna yahay 6 ft, qoyska ninkaan ayaa isticmaalo ceelkaan iyagoo aan u baahneyn inay  magaalada u raadiyaan biyo, sidoo kale ninkaan ayaa dariskiisa ku caawiyo inay ka faa,ideystaan ceelkaan, wuxuuna ka maarmay in xaaskiisa ay mar kale dhibaato la kulanto iyadoo biyo ka raadineyso ceel aysan laheyn.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada