Ololaha Hillary Clinton iyo Donald Trump oo waali isu bedelay

Ololaha Hillary Clinton iyo Donald Trump oo waali isu bedelay

daajis.com:-Waxaa xoogeystay ololihii u dhexeeyay Hillary Clinton iyo Donald Trump ee dalka Mareykanka kadib markii uu soo dhawaaday wakhtigii uu joogsan lahaa ololaha hadda socda.

Hillary Clinton iyo Donald Trump, ayaa la soo baxay dardar xoogan oo saameeyay min Gobol ilaa Caasimada, waxa ayna gobollada natiijada doorashada go’aanka ka gaaraya isugu soo bixiyeen taageerayaashooda cadadkii ugu badnaa.

Musharax Donald Trump ayaa sheegay in Hillary Clinton aysan ka bixi doonin hannaano lagu dacweynayo oo la xiriira emailka gaarka ah ee ay isticmaashay.

Donald Trump waxa uu ku qeyla dhaamiyay misna dadka Taageerayaashiisa ka dhaadhiciyay in haddii ay Hillary Clinton noqoto Madaxweyne dalka Mareykanka uu noqon doono mid ay kusoo dhiiradaan argagixisada, maadaama aysan mudneyn in xilkaasi ay qabato.

Sidoo kale, Xisbigeeda Dimuquraadiga waxa uu ka digayaa in Trump uu billaabi doono dagal dhab ah oo aanan ku ekeyn barta Twitter-ka oo keli ah.
Saadaasha natiijada doorashada oo aad isugu dhow ayaa waxay dhiiragelisay xisbiga Jamhuuriga.

Xittaa musharraxii mar ay sida adag isaga soo horjeedeen Trump, Ted Cruz, waxaa lagu arkay isu soo bax uu qabtay musharraxa madaxweyne ku xigeenka Trump, Mike Pence.

Arrin isbuuc ka hor u muuqatay inay tahay mid fudud ayaa hadda waxay isu bedeshay loollan cidiyaha la iska xagto.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:38 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada