Qaar Ka Mid Ah Xidigaha Bollywood-ka Iyo Marka Ay Hada Ka Hor Musalifeen Qaybta 1-aad (+Sawiro)

Qaar Ka Mid Ah Xidigaha Bollywood-ka Iyo Marka Ay Hada Ka Hor Musalifeen Qaybta 1-aad (+Sawiro)

daajis.com:- Waa wax laga wada siman yaay aadanaha inay mararka qaar nolosha ku adkaato sidoo kalena galaan xaalad musalifno xitaa jilaayaasha wey soo martay.

Sidaa darteed waxaan idiin heynaa qaar ka mid ah xidigaha Bollywood-ka ugu caansan kuwooda hada ka hor musalifeen ama dhaqaalo xumo xoogan ku habsatay.

Waxaan maanta maqaalkaan taxanaha inoo noqon doono ku bilaabi doonaa Mega Star Amitabh Bachchan iyo hada ka hor marka uu musalifay.

Shahenshah of Bollywood Mr. Amitabh wuxuu soo maray marxalado kala duwan hadii dhamaadkii 70-kii iyo 80-kii oo dhan uu ahaa atooraha ugu awooda badan Bollywood-ka ogaaw marbay ka wareertay.

Amitabh Bachchan ayaa dhamaadkii 80-kii dhinaca siyaasada galay wuxuuna ku jiray ilaa bartamihii 90-kii Big Bachchan magac kama helin siyaasada sidoo kalena lacag badan ayuu ku waayay madaama uu dooroshooyin badan ku guul dareestay qarashna uga baxeen.

Amitabh waxaa u xigtay in shirkadiisa filimada maal galiso ‘ABCL’ iyadana qasaaro lixaad leh la kulantay weliba 90 Crore ayaa xidigan ka luntay!


Amitabh Bachchan si uu dhibaatada kaga baxo xita raasumaalkiisa qaar sida guryo uu leeyahay ayuu rahaan dhigay si uu isaga bixiyo deen lagu lahaa oo ku badatay.

Amitabh Bachchan oo xaalad musalifnimo gaaray sidoo kalena yaaban wuxuu ku bad baaday markii uu saxiixday sameynta barnaamijka hirgalay ‘Kaun Banega Crorepati’ ee TV-yada laga daawaday.

‘Kaun Banega Crorepati’ wuxuu noqday nasiibkii Amitabh Bachchan wuxuu barnaamijkan bilaabay bilawgii qarnigaan sanadii 2000.

Ilaa haatan ‘Kaun Banega Crorepati’ waxaa laga sameeyay 8-qayb oo kala duwan markii ugu dambeesay ee la daawaday ama TV-yada laga soo daayay wuxuu ahaa sanadii 2014 sida caadiga ah barnaamijkan hirgalay ee lacagaha waalida ah laga helay waxaa dhex dhexaadiye ka ah Amitabh Bachchan.
Sidoo kale Amitabh waxaa garab siiyeen shirkad Yash Raj Films madaama Yash Chopra uu Big Bachchan kusoo daray filimkii Mohabbatein ee sanadii 2000 soo baxay.

Mohabbatein waxaa isla jileen Big Bachchan iyo SRK wuxuuna noqday Blockbuster weyn sidoo kalena Amitabh soo laabasho xoogan ayuu sameeyya.

Wixii 2000 ka dambeesay Amitabh Bollywood-ka siweyn ayuu ugu soo laabtay asigoo si joogto ah filimada u sameeyo dibna uga mid noqday shaqsiyaadka Hindiya ugu taajirsan uguna awooda badan.

La Soco Preity Zinta Iyo Marka Ay Hada Ka Hor Musaliftay…………

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada