Qaramada Midoobay oo sii Kordhisay Cunaqabataynta Dhanka Hubka ee Saaran Dalka Soomaaliya (VIDEO)

Qaramada Midoobay oo sii Kordhisay Cunaqabataynta Dhanka Hubka ee Saaran Dalka Soomaaliya (VIDEO)

daajis.com:- Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa xalay kordhisay waqtiga Cunaqabataynta dhanka Hubka ah ee saaran dalka Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa Hayada UN-Monetoring Group oo dabagasha cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea, waxaana la gaarsiiyay ilaa 15 November sanadka 2017.


Sidoo kale golaha amaanka ayaa kordhiyay waqtiga Hayada UN Monitoring Group ay sii shaqeyneyso waxaana la gaarsiiyay 15 December 2017, waxaana ay sii wadi doonaan howlaha loo xirsaaray ee ah la soco shada hubka soo gala dalalka Soomaaliya iyo Ereterea.

Golaha ayaa dalbaday in hayada lagala shaqeeyo howlaha ay qabanayaan, waxaana laga dalbaday Ciidamada AMISOM iney si dhow ula shaqeyaan hayadaasi UN-Monitoring.

Golaha ayaa waxa ay kordhita cunaqabatayntani ku fasireen, musuq maasuqa dhanka hubka ee ka jira dalka Soomaaliya, dhawaana ayay ahayd markii hay’adda Monitoring Groep ay soo bandhigtay xogag muujinaya in hub ay dowladda Soomaaliya soo iibsatay lagu arkay iyadoo lagu kala iibsanayo suuqa madow ee magaalada Muqdisho.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada