Wasiirka Batroolka oo laga joojiyay Tartanka Musharaxnimada Kursiga Aqalka Hoose

Wasiirka Batroolka oo laga joojiyay Tartanka Musharaxnimada Kursiga Aqalka Hoose

daajis.com:- Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland ayaa diiday inuu u tartamo Wasiirka Macdanta iyo Batroolka Maxamed Mukhtaar Ibraahim oo ka mid ahaa Musharaxiinta u tartamayay Kursiga Beesha Gaaljecel ee yaalla Jubbaland.

War saxaaadeed goor dhow ka soo baxay Guddiga ayuu ku eedeeyay Wasiirka Macdanta iyo Batroolka inuu ku xadgudbay dhamaan shuruucdii iyo hab raacii u degsanaa hanaanka doorashooyinka, isla markaana uu jabiyay qodobada anshaxa xeerarka Musharaxiinta ee uu horay u saxiixay.

Sidoo kale war saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Wasiirka uu isku dayay inuu laaluush siiyo Guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Jubbaland iyo inuu xalay ergadii dooraneysay uu Hotel ku soo xirtay, kana qaatay taleefanadoodi gacanta.

Doorashadii kursiga Aqalka Hoose ee Beesha Gaaljecel ayaa shalay dib u dhac ku yimid, kaddib is qab qabsi ka yimid ergooyinkii wax dooran lahaa, kaddib markii mid ka mid ah Guddigii doorashooyinka ay isku dayeen inay ergo aan sax aheyn ay soo geliyaan hoolka doorashada, iyadoo Nabadoonkii beesha uu ka hor-yimid.

Halkan hoose ka akhriso warqada ka soo baxday Guddiga doorashooyinka Jubbaland.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada