Xog: Cosoble oo lagu qasbay inuu xaaskiisa ka saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare kadib markii beesha…

Xog: Cosoble oo lagu qasbay inuu xaaskiisa ka saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare kadib markii beesha…

daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle ayaa ku fashilmay qorshe uu doonayay inuu xubnaha aqalka sare ee maamulkaasi uga mid noqonayo ku soo daro afadiisa.

Cali C/llaahi Cosoble ayaa liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee maamulka Hirshabeelle wuxuu ku soo daray xaaskiisa Maryan Axmed Harun  oo kasoo jeeda beesha Gaaljecel, taasoo keentay gadood ay sameysay beesha iyo xildhibaanadeeda maamulka Hirshabeelle oo ku hanjabay inay qaadici doonaan doorashada.

Arrintan labadii maalmood ee la soo dhaafay murankeedu taagnaa ayaa markii dambe madaxweynaha Hirshabeelle ay qasab ku noqotay inuu liiska musharixiinta ka saaro xaaskiisa.
Arrintan oo fadeexad ku keeni lahayd madaxweynaha cusub ee maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa dhex galay waxgarad iyo siyaasiyiin ku qanciyay inuu la noqdo magacaabidda Maryan Axmed Haarun.

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in xal laga gaaray is mari waa keenay inay dib u dhacdo doorashada xubnaha Aqalka sare iyadoo guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed uu  ka qeyb qaatay xalinta arrintan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:21 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada