DAAWO: Laba Wiil oo Soomaali ah oo Toogasho lagu dilay dalka Sweden iyo Sida Naxdinta badan ee wax u dhaceen

DAAWO: Laba Wiil oo Soomaali ah oo Toogasho lagu dilay dalka Sweden iyo Sida Naxdinta badan ee wax u dhaceen

daajis.com:- Laba Wiil oo Walaalo ah ayaa xalay lagu toogasho lagu dilay dalka Sweden, kadib markii weerar ay ku qaadeen koox dabley ah oo bistoolado ku hubeysan wejiyadana soo qarsaday.


Sida uu sheegay Booliska wuxuu falku ka dhacay xaafadda Rinkeby ee magaalada Stockholm, iyadoo labada wiil ee
walaalaha ah ay ku dhinteen markii isbitaalka loola cararay, waxaana sidoo kale rasaasta ku dhaawacmay ruux kale oo goobta ku sugnaa.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka labada wiil ee Soomaalida ah, wararkii horeeyay ayaa lagu sheegay inay dilka geysteen saddex nin oo gaari ku baxsaday. Booliska magaalada ayaa wada baaritaan dheeraad ah.

Shilka Xaafadda Rinkeby  ka dhacay oo Soomaalida muddooyinkii dambe ku soo bateen, waxaa ka taagan murugo weyn, waxaana buux dhaafiyay ciidamo boolis ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada