Donald Trump oo Gen. Mattis u Magacaanay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalka Maraykanka (VIDEO)

Donald Trump oo Gen. Mattis u Magacaanay Wasiirka Gaashaandhigga ee Dalka Maraykanka (VIDEO)

daajis.com:- Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa xalay shaaciyay inuu wasiirka gaashaandhigga ee dalka Maraykanka u doortay Jeneraalka loo yaqaan James Mattis oo lagu naanayso (Mad Dog) ayga waalan.

Donald Trump ayaa carabaabay in Jeneraalka ka fariistay ciidamada badda ee Marines ka James Mattis,uu yahay nin aad uga soo horjeeda heshiiska Iran ee nuclearka.


Trump ayaa arinkani shaaciyay isaga oo ku sugan magaalada Cincinnati ee gobolka Ohio, waxa uuna shacabkii halkaasi ku sugnaa u sheegay inay afkooda xirtaan oo aysan cidina u sheegin ilaa laga gaarayo maalinta Isniinta oo ah maalita sida rasmiga ah uu ugu dhawaaqi doono.

Laakiin kuma dhawaaqayno ilaa isniinta marka cidna ha u sheegina,” ayuu Trump u sheegay taageerayaashiisa  isugu soo baxay magaalada Cincinnati, oo ah socdaalkiisii ugu horeyay kadib doorashada, kaasoo uu ugu “mahad-celinayo codbixiyayaashiisa.

Jeneraal Mattis oo 66 jir ah ayaa ka tirsanaa ciidamada badda ee dalkaasi in ka badan afartan sano,  Jeneraalka inimka hawsha gabay ee Mattis, islamarkaana loo yaqaan “ayga waalan” ayaa ku lug lahaa dhowr hawlgallo militari oo muhiim ah, waxaana ay joornaaliistayaasha qaar ay sheegayaan inuu yahay nin aad u adadag oo howlkar ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada