SAWIRRO: Bill Clinton oo fadeexad hor leh soo wajahday iyo wiil 30 jir ah oo sheegtay in uu aabihiis yahay

SAWIRRO: Bill Clinton oo fadeexad hor leh soo wajahday iyo wiil 30 jir ah oo sheegtay in uu aabihiis yahay

daajis.com:- Iyadoo horay qoyska reer Clinton muddooyinkan uga dhex aloolsaneyd niyadjab iyo daalkaga yimid dhanka doorashada oo xaaska Bill Clinton looga guuleystay doorashada madaxtenimo ee Mareykanka ayaa waxaa iminka soo ifbaxaya fadeexad cusub oo la xiriirta dhanka Bill Clinton.

Wiil 30-jir ah oo lagu magacaabo Danney Williams ayaa waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dalka Mareykanka kaas oo sheegay in madaxweynihii hore ee Mareykanka Bill Clinton uu yahay aabihiis, hooyadiina uu ka dhilleystay horraantii sideetamaadka.

Danney Williams oo yara u eg ninka uu ku andocoonayo in uu dhalay ayaa sheegay in aabihii Bill Clinton uu markii ugu horreysay ku arkay hooyadii goob Park ah isaga oo orodka jimicsiga sameynaya, waxaana tan iyo markaas hooyadii oo lagu magacaabo Bobbie Ann ay la kulantay dhowr habeen, sidaasna uu isagu ku yimid.

Hooyo Bobbie Ann ayaa kal hore u sheegtay jaraa`idka The Globe in dhacdadani markii ugu horreysay ay dhacday sanadkii 1984-tii, dabadeedna Bill Clinton uu u noqday macaamil joogto ah.

Waxa ay sheegtay hooyadu in markii ay ku wargelisay Bill in ay uur leedahay, uu ku inkiray isagoona caloosha ka yara dharbaaxay kuna yiri ” – Kan, cunugeyga ma noqon karo”.

Wiilka ayaa iminka dalbanaya in baarista DNA-da laga qaado labadooda si loo xaqiijiyo in Bill Clinton uu yahay aabaha iyo in kale.

” – Bill Clinton waa aabahay, waxaana ahay wiilkiisa keliya ee uu ifka ka qabo. Waxaan doonayaa in uu i tuso jaceyka aabenimo” Sidaa waxaa yiri Danney.
Bill Clinton ayaanan wali ka hadal eedeynahan cusub ee soo food saaray.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada