Falastiiniyiinta oo noqday dadkii ugu horreeyey ee dhibaato kala kulma madaxtinimada Trump

Falastiiniyiinta oo noqday dadkii ugu horreeyey ee dhibaato kala kulma madaxtinimada Trump

daajis.com:- Israel ayaa ansixisay boqolaal guryo cusub ah oo laga dhisayo dhulka ay xoogga ku haysato ee Bariga Jerusalem, kadib markii uu xilka la wareegay madaxweynaha sida aadka ah u taageersan ee Mareykanka Donadl Trump.

Ku xigeenka duqa Jerusalem ee Yahuuda, Meir Turgmen ayaa wakaaladda wararka ee AFP u sheegay “Hadda ugu dambeyn waa dhisi karnaa guryaha”.

Ra’iisul wasaarahha Yahuudda, Benjamin Netanyahu ayaa la sheegay inuu dhismaha guryaha cusub horey dib ugu dhigay, sababo la xiriira in madaxweynihii hore ee Mareykanka Barack Obama uu kasoo horjeeday.

Deegaameynta Yahuuda ee Bariga Jerusalem ayaa loo arkaa sharci darro marka la eego xeerarka caalamiga ah.

Golaha deegaanka ee Jerusalem ayaa ansixiyey in 566 guryo cusub ah laga dhiso dhulka laga haysto Falastiiniyiinta ee Bariga Jerusalem, gaar ahaan xaafadaha Pisgat Zeev, Ramat Shlomo iyo Ramot.

Mr Turgeman, ayaa yiri “Waxaa la ii sheegay inaan sugo inta Trump xilka kala wareegayo, sababta ah wax dhibaato ah isaga kuma qabo dhismooyinka aan ka wadno Jerusalem”.

“Xeerarkii cayaarta waa ay is-beddeleen markii Trump uu madaxweyne noqday, hadda iyo wixii ka dambeeya gacmaheena ma xirna si la mid ah markii uu Obama uu madaxweyne ahaa”

Trump ayaa marar badan sheegay inuu qorsheynayo in marka uu madaxweyne noqdo uu safaaradda Mareykanka ee Israel u raro Jerusalem, waxaana bishii hore uu safiirka Mareykanka ee Israel u magacaabay David Friedman, oo horey u sheegay inuu safaaradda Mareykanka geyn doono Jerusalem.

Falastiinyiinta ayaa kaso horjeeda in Jerusalem loo raro safaaradaha caalamka, maadaama ay tahay magaalo lagu muransan yahay. Haddii Trump uu safaaradda Mareykanka geeyo Jerusalem waxaa macnaheedu yahay inuu u aqoonsanayo magaalo Israel.

Falastiiniyiinta ayaa Bariga Jerusalem ee Israel ay xoogga ku haysato u arka caasimadooda mustaqbalka, halka Israel ay magaalada Jerusalem oo idil ay ka dhigatay caasimadeeda.

Mareykanka iyo inta badan dalalka xubnaha ka ah QM uma aqoonsana Jerusalem caasimadda Israel, islamarkaana maamulka magaalada ayaa qeyb ka ah dagaalka daba dheeraaday ee Yahuudda iyo Falastiiniyiinta.

Israel ayaa Bariga Jerusalem ku qabsatay dagaalkii lixda maalmood ee sanaddii 1967-kii, kadibna sheegatay, tallaabadaas oo beesha caalamka aysan marnaba aqoonsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada