Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashooyinka dalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jabuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka hadlay doorashooyinka dalka Soomaaliya

daajis.com:- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in ciidamada Jabuuti ee ka mid ah ciidamada AMISOM ay yihiin kuwa ugu yar balse ka howlgala deegaanada ugu adag uguna ballaaran dalka Soomaaliya.

Madaxweyne Geelle oo wareysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin labo batalyan.

“Ciidamadeena marti kuma aha dalka Soomaaliya wadankooda oo kale ayay joogaan waxa ay ka qeybgalaan sugida amniga,gurmadka iyo weliba xalinta khilaafaadka ka dhex jira dadka Soomaaliyeed.”ayuu yiri Madaxweyne Geelle.

Sidoo kale Madaxweynaha dalka Jabuuti ayaa rajo ka muujiyay doorashooyinka dalka Soomaaliya ka dhacay isagoo xusay in shacabka Soomaaliyeed ay muddo dheer duruuf adag ku soo dhex jireen.
Dalka Jabuuti oo kamid ah dalalka Afrika ayaa waxaa ka soconaya mashaariic kala gedisan iyadoo wadamo badan ay mashaariic ka hirgeliyeen dalka Jabuuti.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada