Xildhibaan Xidig oo si Sarbeeban u Sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan Xilka ku soo Laabanayn (Dhagayso)

Xildhibaan Xidig oo si Sarbeeban u Sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan Xilka ku soo Laabanayn (Dhagayso)

daajis.com:- Xildhibaan C/rashiid Maxamed (Xidig) oo maalintii Arbacadii looga guuleystay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka federaalka ayaa sheegay in isaga iyo 99 xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ay ku midoobeen in dalka uu ka dhaco isbedel Hogaan.

Xidig ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in 99 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka dalka ay qabaan aragtida ah in isbedel siyaasadeed uu dalka ka dhaco.

Waxana uuna sheegay in isbedelka Siyaasadeed uu dalka ka biloowday, ayna Xildhibaano cusub ku soo biireen Siyaasada dalka, islamarkaana loo baahan yahay in isbedelkaasi uu sii socdo.

C/rashiid Maxamed (Xidig) ayaa yiri, “si loo saxo waxyaabihii qaldamay waa muhiim in laga dhabeeyo isbedelka siyaasadeed ee la doonaayo Soomaaliya inay ku tilaabsato”.

DHAGAYSO


Hadalkani ayaa waxa uu si sarbeeban ugu qotomaa madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ah musharax mar labaad u taagan in dalka uu sii hogaamiyo afarta sano ee soo socota.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada