XOG:- Xildhibaanada G/Waqooyi oo Isbaheysi ka dhex sameystay Baarlamaanka Cusub (Yaa hogaaminaaya?)

XOG:- Xildhibaanada G/Waqooyi oo Isbaheysi ka dhex sameystay Baarlamaanka Cusub (Yaa hogaaminaaya?)

daajis.com:- Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Xildhibaanada kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ay Baarlamaanka cusub markii ugu horeysay ka dhex sameysteen isbaheysi awood leh kaa oo la doonaayo in lagu kala dhantaalo qorshooyinka lagu dooranaayo Musharaxiin gaara.

Isku xirka Xildhibaanada Gobolada Waqooyi iyo Aasaaskooda ayaa waxaa lahaa xubno Siyaasiyiin ah oo kasoo jeeda Gobolada Waqooyi kuwaa oo December 24, 2016 magaalada Muqdisho u imaaday in Isbaheysi ay u sameeyan Xildhibaanada.

Isbaheysigaani ayaa waxaa si KMG ah u Hogaamineysa Wasiiradii hore ee Arrimaha Dibadda Somalia Foosiyo Xaaji Aadan, waxa uuna aasaaskiisu yahay in lagu taageero Musharaxa ay Xildhibaanadaasi u arkaan in waxbadan uu ka bedelikaro Siyaasada Somaliland.

Isbaheysigaani ayaa waxaa kor ka maamulaaya Hogaamiyaha Maamulka Somaliland Axmed Siilaanyo, waxa uuna qorshaha ugu weyn uu yahay in Isbaheysigaasi uu shaqeeyo xiliyada Doorashada, Mooshinada iyo Laalida qodob waliba oo aan maslaxad u aheyn Xildhibaanada.

Isbaheysigaani ayaa kaalin weyn ku lahaa ololihii doorashada ee lagu doonaayay in Guddoomiye Baarlamaan loogu doorto Xildhibaan C/rashiid Xiddig.
Xildhibaanada Dirta Waqooyi ee ka soo jeeda Somaliland, ayaa markii ugu horeysay ku midoobay Siyaasada Somalia, waxaana la sheegayaa in xubnaha Isbaheysiga ay wadahadal kula jiraan Musharax Madaxweyne.

Isbaheysigaani ayaa si gaara uga soo horjeeda in mar kale uu soo laabto Madaxweynaha iminka haya talada dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Xildhibaanada Isbaheysiga oo badi ah kuwo cusub ayaa waxaa Hogaamineysa Xildhibaan Foosiyo oo la rumeysan yahay inay kasoo horjeedo Madaxweynaha dalka.

Si dhab ah looma oga Musharaxa ay Xildhibaanada Isbaheysigaani la galeen Heshiiska, waxaase la xaqiijiyay inuu jiro Musharax ay wadahadal la galeen.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada