Arin layaablah oo Markii u Horeysay ka Dhacday Aqalka Cad ee Maraykanka (VIDEO)

Arin layaablah oo Markii u Horeysay ka Dhacday Aqalka Cad ee Maraykanka (VIDEO)

daajis.com:- Xukuumada Madaxweyne Donald Trump ayaa bilaawday cadaadis ka dhan ah qaar kamid ah Warbaahinta ugu caansan ee dalka Mareykanka, waxaana arintan walaac xoogan ka muujiyay aadna u cambaareeyay Ururada Saxaafada iyo taleefishinadii la casuumay.

Qaar kamid ah Warbaahinta ugu waa weyn ee dalka Mareykanka iyo kuwa caalamka qaarkood ayaa shalay loo diiday in ay ka qeytb galaan soona tabiyaan shir saxaafadeed maalintii shalay ee Jimcaha ahayd ka dhacday Aqalka cad ee Maraykanka.


Warbaahinada shalay loo diiday in ay galaan Aqalka cad ayaa waxaa kamid ahaa kuwa ugu afka dheer ee dalka Mareykanka sida CNN, New York Times, Los Angeles Times, Buzzfeed, Politico , waxaana sidoo kale Warbahainta caalamiga iyana loo diiday Aqalka Cad ku jiray BBC-da oo laga leeyahay dalka Ingariiska.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada