Daawo: RW. Khayre oo Shuruudo adag ku xidhay golaha Wasiirada kulankoodii Ugu horeeyay iyo Waxa dhacay (Video)

Daawo: RW. Khayre oo Shuruudo adag ku xidhay golaha Wasiirada kulankoodii Ugu horeeyay iyo Waxa dhacay (Video)

daajis.com:- Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii ugu horeeyey, waxaana ugu horeyn looga hadlay Ajande ka kooban soo dhoweyn, Nidaamka iyo xeerararka shirarka Golaha, Diyaarinta xil la wareegida Wasiirada cusub, Qorshaha Xukuumadu ku shaqeyn doonto, Arrimaha Amniga iyo Abaaraha.


Ugu horeyn Ra’iisal Wasaaraha oo furay shirka ayaa ku wargeliyay Wasiirada in shacabku uga fadhiyo Xukuumada howl adag oo hufan, loona baahan yahay in laga dhabeeyo rajada shacabka. Ra’iisal Wasaaraha ayaa faray golaha Wasiirada cusub inay buuxiyaan Foom ay ku cadeynayaan in xubin kasta oo ka mid ah golaha uu waajibkiisa u guto si daacad ah, Aamin ah, ayna soo bandhigaan macluumaad rasmi ah oo ku aaadan hantida gaarka ah, iyada oo la waafajinayo sharciga, si loo helo isla xisaabtan dhab ah.

Sidoo kale, Ra’iisal Wasaaraha ayaa ku dheeraaday dhismaha Wasaaradda Gargaarka, wuxuuna xusay in xukuumadu muhiimad gaar ah siisay taakuleynta shacabka, isaga oo faray hay’addaha caalamiga, kuwa gudaha, hay’addaha dowliga, iyo dhamaamba shacabka Soomaaliyeed inay la shaqeeyaan Wasaaradan, si loo gaarsiiyo shacabka abaaruhu aafeeyeen gurmadka ay u baahan yihiin.

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa mar uu ka hadlayay Arrimaha Amniga dalka, waxa uu Golaha Wasiirada ku booriyay in awooda la isugu geeyo sugida amniga iyo xasilinta dalka, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in la dejiyo Istaraatiijiyad Heer Qaran ah oo lagu hubinayo shaqada iyo Hufnaanta hay’addaha Amniga.

Markii uu soo dhamaaday kulanka Golaha Wasiirada ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Warfaafinta iyo Hanuuninta dadweynaha Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada