R/W Kheyre oo ka digay hal arrin oo ay caadeysteen xildhibaanada BF

R/W Kheyre oo ka digay hal arrin oo ay caadeysteen xildhibaanada BF

daajis.com:- Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa ka digay in Xildhibaanada BFS ay dhaqan ka dhigtaan Mooshin iyo is hortaag lagu sameeyo howlaha Qaranka.

Kheyre waxa uu tilmaamay in Xukuumada Somalia aysan ka amar weyneyn Madaxda kale iyo Baarlamaanka, waxa uuna ku baaqay in arrin waliba oo ay ka taagan tahay Tashwiish lagala xaajoodo shaqsiyaadka ay arrintaasi la xiriirto ka hor inta aan lala soo istaagin Mooshin.

Kheyre waxa uu Xildhibaanada ugu baaqay inay meesha ka saaran Mooshinka dhaqanka laga dhigay, waxa uuna taa bedelkeeda soo jeediyay in lala xisaabtamo shaqsiyaadka ay farta ku godan tahay ka hor inta aan la sameyn Mooshinka.

Waxa uu soo jeediyay in Baarlamaanka Somalia ay ka dhabeeyan Howlaha ay ku dhaarteen inay u qabanayaan Qaranka, isagoo arrin laga fiican yahay ku tilmaamay in durba la diyaariyo Mooshin aan la garaneynin halka uu ka socdo iyo meesha uu u socdo.

Mar uu kullamo kala gadisan la qaadanaayay Xildhibaanada ayaa waxa uu ugu baaqay in maslaxadooda gaarka ah ka hor mariyaan tan guud, maadaama uu yiri lagu dhaartay kitaabka alle.

”Micnuhu maaha inaan kasoo horjeedo Mooshin balse waxaan dooneynaa in Mooshinka ka hor lala xisaabtamo Mas’uuliyiinta haddii wax laga qaban waayo isla xisaabtanka kadib la qaato go’aan”

”Waxaa nasiib darro ah in Mooshinka laga dhigo wax caado ah, dalka waxa uu u baahan yahay isbedel waxaan ku jirnaa xili abaar sidaa darteed waa inaan ka fiirsanaa talaabooyinka aan qaadeyno”

Dhinaca kale, Kheyre ayaa labada Gole ee baarlamaanka u ballanqaaday in Xukuumadiisa ay ku shaqeyn doonto si sharciga waafaqsan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 06:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada